Dowladda Soomaaliya oo sheegatay "dilka 50 xubnood AS ah"

Image
Howlgalkan ayaa waxa uu imaanaya iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarinayso bixitaanka ciidamada ATMIS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Isniintii waxa ay sheegtay in duqeyn diyaaradeed ay ku dishay in ka badan 50 ka tirsan Al-Shabaab meel u dhow degmada Xarardheere ee maamulka Galmudug.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee ay dowladdu maamusho ayaa sheegtay in howlgalkan ay iska kaashadeen “saaxiibo caalami ah”. Garowe Online si madax banaan uma xaqiijin karo tirada khasaaraha ee ay dowladdu bixisay.

Howlgalkan ayaa waxa uu imaanaya iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarinayso bixitaanka ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS dhamaadka sanadkan.

Iyadoo uu sii socdo dhimista ATMIS-ka, dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in Midowga Afrika uu hoggaamiyo ciidamo caalami ah oo bedeli doona howlgalka ATMIS ee hadda jira.

Howlgalka cusub ee caalamiga ah ayaa ka howlgali doona Soomaaliya hal sano laga bilaabo Janaayo 2025.

Bayaan uu soo saaray Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in ay soo dhaweynayaan soo jeedinta dowladda federaalka ee ku aadan in Soomaaliya laga hirgeliyo ATMIS ka dib.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan qaabka ay noqon doonaan ciidamadaasi iyo dalalka ay ka qeyb qaadan doonaan.

La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Xuseen Sheekh Cali, ayaa wareysi uu siiyay VOA Somali bishii Febraayo, wuxuu ku sheegay in howlgalka uu ka koobnaan doono "ciidamo isku-dhaf ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM