Dowladda Soomaaliya oo soo warisay kiisas cusub oo ah Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhow sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 21 xaalado cusub oo ah safmarka Covid-19.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in wadarta guud ee kiisaska caabuqa dilaaga ah ee guud ahaan waddanka ay noqoneyso 1,594.

Sidda ku xusan warbixin wasaarada, 14 kamid ah bukaanadda cusub waa Dhedig rag, halka ay Lab ama dumar yihiin todobada kale.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaradaas, ayaa tibaaxdey in saacadihii lasoo dhaafay aysan soo kordhin dhimasho cusub oo cudurku sababay.

Tiradda geerida ka dhalatay xanuunkaan sidda fudud u faafa ee gebi ahaanba dalka ayaa waxay wali ku taagan yahay 61 marxuum.

Nasiib wanaag, waxaa afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay caafimaadey 16 bukaan, kuwaas oo badankooda ku sugan Muqdisho.

Bukaanadda xanuunka ka bogsaday ayaa mareysa 204, waxaana maalmihii lasoo dhaafay sarre u kac laga dareemayaa dadka ka kacaya.

Sikastaba ha ahaatee, 21-ka bukaan ee laga helay fayruska 24-kii saac ee lasoo dhaafay guud ahaan Soomaaliya ayaa laga soo kala wariyey 19 oo gobolka Banaadir ama Muqdisho ku sugan iyo laba Puntland ah.

MUUQAALKA FOWZIYA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM