Dowladda Soomaaliya oo wariye u xiran la xiriirisay ururka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur [Abuuja] uu u xiran yahay eedeymo la xiriira in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Wasaaradda Warfaafinta xukuumada Muqdisho ayaa maanta oo Arbaco ah waxay soo bandhigtay in Abuujar uu ku eedeysan yahay in uu ku lug lahaa dil ka dhacay degmada Boondheere.

Falkaas khaarijinta ah waxaa loo geystay marxuumad Baxsaneey Booleey, taariikhdu markii ay ahayd 6/3/2019, sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah ee kasoo baxay Wasaaradda.

"Hay'addaha amniga ayaa eedeysanaha gal-dacwadiisa u gudbinaya Hay'addaha Garsoorka ee ku shaqada leh," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka oo lagu faafiyey wakaalada wararka Qaranka.

Abuuja oo kasoo shaqeeyay xarumo warbaahin oo kala duwan ayaa markii ugu dambeysay ahaa tifaftiraha Idaacada Hiigsi oo ka howlgasha magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Eedeynta ayaa kusoo aadeysa maalmo kadib markii xubno ka tirsan qoyskiisa iyo ururo u dooda xuquuqda saxaafada ay dalbadeen in la caddeeyo sababta uu u xiran yahay saxafiga.

Dhanka kale, ma jirto wax jawaab ah oo ururada saxaafada iyo xubnaha qoyskiisa oo illaa iyo haatan ay kasoo saareen war-saxaafadeedka dowladda oo lama filaan ku noqdey saaxiibadiisa shaqada iyo ehelkiisa.

QORAALKA DOWLADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM