Dowladda Soomaaliya oo xabsiga kasii daysay CC Shakuur

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa xabsiga kasii daysay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo mudo saddex maalmood ku xirnaa xabsiga ay leeyihiin ciidamada NISA oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ayaa timid kadib dedaallo xooggan oo ay sameeyeen Odayaasha, Xildhibaanada iyo mas'uuliyiinta beeshiisa kuwaasi oo ugu dambeyn ku qanciyay Xukuumadda Soomaaliya inay sii dayso Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

Mid kamid ah Xildhibaanada qeybta ka ahaa dadkii ka qeybqaatey wadahadlkii lagu sii daayay CC Shakuur ayaa Warsidaga Garowe Online in Madaxda maamullada HirShabeelle iyo Galmudug ay door ka ciyaareen sii deynta Siyaasigan.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa kasoo muuqday Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow iyo saraakiil kale oo la fadhisay Cabdiraxmaan Cabdishakuur xilliga lasii deynayay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa lasoo xiray habeenkii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay kadib duulaan ay ciidamada gaarka NISA ku qaadeen Hoyga uu ka degan yahay Muqdisho, oo ku yaalla nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa ku geeriyootay ugu yaraan lix qof oo kamid ahaa ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishkuur.

"Cadaaladda ayaa guuleysatay, Cadaalad-darrada way guul-dareysatay," ayuu ku yiri qoraal kooban oo Twitter-ka soo dhigay Cabdiraxmaan Cabdishakuur markii lasoo daayay kadib.

Sababta loo xiray Cabdiraxmaan ayaa waxay Xeer Ilaalinta qaranka ku sheegtay in uu dhaqaale kasoo qaatey dowlado shisheeye, taasi oo lagu duminayo Xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM