DFS oo War kasoo saartay Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ayaa ka hadashay howlgalkii xalay lagu soo xiray Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo kamid ahaa Siyaasiyiinta dhaliisha waxqabadka Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre.

Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Axmed Cali Daahir, ku-simiyaasha Taliyaasha Booliska iyo NISA ayaa Shirka Jaraa'id oo ay uga hadleen xariga Cabdiraxmana Cabdishakur ku qabtay maanta Xarunta Taliska Booliska.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, Cabdicasiis Xildhibaan oo Saxaafadda u akhriyay warqadda kasoo baxday Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in baaris ay ku socoto Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sidoo kalena maxkamad lasoo taagi doono hadii lagu helo dembiyada lagu soo oogay.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in ay iyagoo watey warqad maxkamadeed oo ay ku baaraan Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ugu tageen Hoygiisa xalay, balse ilaaladiisa ay kala kulmeen iska-caabin, sidaasina uu ku dhacay iska hor-imaadka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qaba dhaawac fudud ayay gacanta ku dhigeen ciidamada NISA, waxaana lagu xiray xabsi ku yaalla Muqdisho, oo su'aallo lagu waydiinayo, sida ay dowaldda shaacisay.

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka Wasaaradda Amniga:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM