Dukumiintiyo sir ah oo laga helay shirkadda Facebook

Image
Facebook ayaa ku qiyaastay inay haysato 1.84 bilyan isticmaaleyaal firfircoon maalin kasta.

WASHINGTON, USA - Shaqaalaha Facebook ayaa si is-daba-joog ah uga dhawaajiyey inay shirkaddu ku guul-darraysatay inay xakamayso faafitaanka qoraalladda hurinaya colaadaha, sidda ay warisay CNN-ka.

CNN oo xiganeysa dukumiintiyo ay si qarsoodi ah ku heshay ayaa sheegtay in goobaha ay shaqaaluhu ka digeen ay kamid tahay Itoobiya oo colaad sokyee ka oogan tahay tan iyo sanadkii lasoo dhaafay.

Shabakadda caanka ah ee baraha bulshada ayaa Itoobiya u tixgelisay mid kamid ah wadamadda ay ka jiraan heerka ugu sarreeya ee dalalka halista ay jiritaankooda ku yihiin colaadaha.

Hase ahaatee, dukumeentiyadu ayaa waxay muujinayaan in dadaallada xakameynta Facebook aysan u dhigmeyn heerka faafinta waxyaabaha xanafta leh ee ku jira madalkeeda.

Dukumeentiyada ayaa kamid ah tobanaan kale oo loo gudbiyey Guddiga Ammaanka Maraykanka waxaana la wadaagay Koongareeska haweenayda ka tirsaneyd Facebook taasoo xogta kashiftey ee Frances Haugen.

Daladda 17 oo ka mid ah hay'adaha wararka ee Maraykanka ayna xubin ka tahay CNN ayaa dib u eegis ku sameeyay nuquladda dukumiintiyadda la loo gudbiyey Congress-ka.

"Dukumiintiyadda waxay ka digayaan dowladaha iyo hay'adaha ajnabiga ah ay u isticmaalayaan in ay ku faafiyaan hadaladda naceybka leh taasoo kordhisay colaadda Itoobiya," ayay CNN qortay iyada oo xiganeysa dukumiintiyada.

Facebook ayaa ku qiyaastay inay haysato 1.84 bilyan isticmaaleyaal firfircoon maalin kasta - 72% waxay ku nool yihiin meel ka baxsan Waqooyiga Ameerika iyo Yurub.

Ugu dambeynti, dukumeentiyadu ayaa sidoo kale waxay muujinayaan in shirkaddu, marar badan, ay ku guuldareysatay inay si ku filan u kordhiso shaqaalaha ama ku darto agabyada luqadda maxalliga ah  ee xakameynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo Wadahadal la Yeeshay Amiirka Qatar

Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar ayaa ahaa mid dhow oo xooggan xilligii madaxweynanimada Farmaajo.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 04:43PM

Dowladda Soomaaliya oo Si Adag U Cambaareysay Hadalka Netanyahu

Cambaareyntan waxay la jaanqaadaysaa jawaabta Sacuudiga, kaasoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ay ku eedeysay Netanyahu.

  • Soomaliya

    10-02-2025

  • 09:28AM