Duqayn lagu dilay 8 qof Jubbada hoose

Image

KISMAYO- Duqayn xalay ka dhacday deegaanka Yoontoy oo dhinaca Waqooyi ka xiga magalada Kismayo xarunta Jubbada hoose, ayaa lagu dilay 8 ruux oo shan ka mid ah la sheegay inay katirsanyihiin mallayshiyada Al-Shabaab.

Dadka kale ee dhintay ayaa ah shacab halkaasi ku dhaqnaa.

Weerarka ayaa yimi iyadoo maalmihii ugu dambeeyey  diyaarado dagaal oo iskugu jira kuwa qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha wadan (Drone)  duqaymo is daba-joog ah ka gaysanayeen deegaannada ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab ee Koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Wararka kale uu warsidaha GO helayo ayaa sheegay in gudoomiyaha degmada Balad-xaawo Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir uu ka bad-baaday isku day dil, kadib markii qarax lala beegsaday baabuurkiisa.

Laba ka mid ah ilaalada guddoomiyaha ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi, waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladoodu dagantahay.

Majirto cid sheegatay falkaasi, balse ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaano kala duwan kuwaasi oo aan ilaa hadda xog badan laga helin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Jubaland

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay inay gabi ahaanba la wareegtay saldhigga iyo jasiiradda Kudhaa.

  • Soomaliya

    21-01-2026

  • 09:09AM

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM