Duqayn lagu dilay 8 qof Jubbada hoose

Image

KISMAYO- Duqayn xalay ka dhacday deegaanka Yoontoy oo dhinaca Waqooyi ka xiga magalada Kismayo xarunta Jubbada hoose, ayaa lagu dilay 8 ruux oo shan ka mid ah la sheegay inay katirsanyihiin mallayshiyada Al-Shabaab.

Dadka kale ee dhintay ayaa ah shacab halkaasi ku dhaqnaa.

Weerarka ayaa yimi iyadoo maalmihii ugu dambeeyey  diyaarado dagaal oo iskugu jira kuwa qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha wadan (Drone)  duqaymo is daba-joog ah ka gaysanayeen deegaannada ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab ee Koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Wararka kale uu warsidaha GO helayo ayaa sheegay in gudoomiyaha degmada Balad-xaawo Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir uu ka bad-baaday isku day dil, kadib markii qarax lala beegsaday baabuurkiisa.

Laba ka mid ah ilaalada guddoomiyaha ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi, waxaana loo qaaday goobaha caafimaadka, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladoodu dagantahay.

Majirto cid sheegatay falkaasi, balse ciidamada ammaanka ayaa wada baaritaano kala duwan kuwaasi oo aan ilaa hadda xog badan laga helin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM