Duqeymo xooggan oo ku Socda goobaha xubnaha ‘AS’ kaga sugan yihiin Mudug

Image

Shabelloow, Soomaaliya - Dowladda Federaalka oo kaashanaysa saaxiibadda Caalamiga ah ayaa duqeymo xooggan ka fuliyay deegaanka Shabelloow oo dhaca gobolka Mudug. duqeymahan ayaa lagu bartilmaameedsaday godod ay xubnaha ‘AS’ ka qodeen deegaanka si ay gabaad uga dhigtaan weerarada isdaba jooga ah ay qaadayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka.

Xikdhibaan Sakariye Gaashaan ayaa sheegay in ay baahin doonaan khaasaaraha ka soo gaaray kooxda ‘AS’ duqeymaha laga fuliyay Shabelloow, isaga oo sheegay in jab xooggan ka soo gaaray ‘AS’ duqeynta maanta lala beegsaday iyo weerarada shalay lagu qaaday deegaanka.

Sidoo kale, Ciidamada Dowladda ayaa uga dhintay dagaalkaasi 20 askari oo Ciidan dowlad iyo mid deeegaan isugu jira, halka ay jiraan dhaliilo loo jeedinayo sida ay dowladda u maareysay dagaalkaas, iyada oo la sheegayo in ciidamadu la galiyay dagaalka iyaga oo aan haysan rasaas iyo shidaal ku filan.

Ciidamada dowladda iyo xoogaga ‘AS’ ayaa haatan iska hor fadhiya deegaanka oo ka tirsan meelaha kooban ay kooxdu kaga soo hartay gobolka Mudug. Xubnaha ‘AS’ ee ku shugan Shabelloow ayaa difaac xooggan ugu jira sidii ay uga hor imaan laheyeen gulufkan ku soo wajahan.

Shalay ayay eheed markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar ku qaadeen deegaanka Shabeellow kaas oo lagu guuleysan, iyadoo loo aaneynayo gododka ay kooxdu ka qodeen deegaanka & qorashaha dagaalka oo aan laga fiirdan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM