Duqeyn cirka ah oo lagu burburiyay Gaari walxaha qarxa saarnaa

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo ay ku burbiriyeen Gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa.

AFRICOM ayaa qoraal ay soo saartey maanta oo Jimco ah ku sheegtay in weerarka ay la beegsadeen Gaariga xilli uu marayay meel ku dhaw deegaanka Janaay Cabdalla gelinkii dambe ee Arbacadii, April 11.

Ma sheegin AFRICOM khasaaraha ka dhashay duqeynta, marka laga soo tago inay ku burburiyeen Gaariga qaraxyada saarnaayeen, ee ay wateen dagaalyahanada Kooxda Al Shabaab.

Waa weerarkii 7aad oo dhanka cirka ah oo Marekanka Ciidamadiisa ka fuliyaan Soomaaliya tan iyo markii uu billowday sanadkan, kuwaasi oo mid kamid ah la eegtay Daacish-ta ku sugan Puntland.

Militeriga Mareykanka ayaa kordhiyay Duqeymaha ka dhanka ah Kooxaha argagaxisada ku sugan Soomaaliya wixii ka dambeeyay markii markii Trump xukunka la wareegay bishii January ee 2017.

Jubbaland wali kama hadlin duqeynta ka dhacday duleedka Kismaayo, taasi oo noqonaysa midii ugu dambaysay oo lagu weeraro degaanada Al-Shabaab xukunto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM