Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacdey Koonfur Galbeed iyo Galmudug

Image
Dhanka kale, ma jirto wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

DHUUSOMAREEB, Galmudug - Al-Shabaab ayaa sheegtay duqeymo ay xalay ka dhaceen magaalada Galhareeri (Galmudug) iyo Kurtunwaarey (Koonfur Galbeed) ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ku dhinteen dad shacab ah.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya weerarka iyo sidoo kale khasaaraha la sheegay in uu ka dhashay.

Dhanka kale, ma jirto wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Inta badan duqeymaha ka dhaca Soomaaliya waxaa fuliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka iyo Turkiga kuwaas oo taageera ciidamadda Soomaaliya ee baacsanaya argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM