Duqeyn diyaaradeed oo maanta ka dhacday magaalada Buq-aqable

Image
Howlgalkan ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday fariisamo ay kooxda AS ku keydinaayeen hubka.

Buq-aqable, Soomaaliya - Ciidanka Sirdoonka Qaranka NISA iyo Saaxiibada caalamiga ayaa maanta galinkii dambe howlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday fariisamo ay kooxda AS ku keydinaayeen hubka sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay hay’adda NISA.

Qoraalka ayaa lagu yiri, "Hawlgal ay iska kaashadeen Hay'adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lagu burburiyay Xarunta kaydka Gaadiidka iyo Hubka Khawaarijta ee Buq-aqable, waxaana jira Khasaaro badan oo la gaarsiiyay cadowga.”

Ciidamada Dowladda ayaa howlgallo ka wada deegaannada ay ku xooggan yihiin kooxda AS, kuwaas oo dhaca gobollada dhaxe gaar ahaan, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM