Duqeyn lagu burburiyay qarax Gaari oo ku wajahnaa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa xaqiijiyay in duqeyn cirka ah ay ku dileen afar xubnood oo katirsanaa Al Shabaab, kuwaasi oo la socday gaari walxaaha qarxa lagu soo xiray oo kusii jeeday Muqdisho.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay kahor-tageen qarax ismiidaamin ah oo lagu waxyeelleyn lahaa shacabka magaalada Muqdisho kaasi oo lagu bur-buriyay meel 25KM dhanka galbeed uga beegan Caasimadda.

Lama sheegin goobta rasmiga ah ee ka dhacday duqeyntan oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drone-ka, taasi oo ay adeegsadaan ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya.

Waa weerarkii 35aad oo Mareykanka uu ka fuliyo dalka sanadkan gudahiisa, kuwaasi oo la xoojiyay markii Madaxwyne Trump bishii Maarso uu ansixiyay qorsho lagu kordhinayo duqeymaha Soomaaliya.

Al Shabaab kama aysan hadlin duqeyntan. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay shalay in duqeyn ay Al Shabaab kula eegatay meel ku dhaw magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM