Duufaan laga digay oo halis gelin karta 3 magaalo oo Soomaaliya ku taalo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ku xaqiijinayaan khatar ka dhalan karta duufaano ka dhaca Soomaaliya oo ka dhasha roobabka da’aya, kuwaas oo sababi kara khasaare naf iyo maalba leh.

Duufaanta El Niño ayaa khatar ku ah magaalooyinka xeebaha Soomaaliya ee gobolada waqooyi ilaa koonfurta, sida: Boosaaso, Berbera iyo Kismaayo.

El Niño waxay saamaysaa heerkulka badda iyo xoogga qulqulka biyaha. iyada oo u dhacda si aan joogto ahayn ama labadii ilaa todobadii sanoba mar.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, dalalka Afrika waxay la kulmeen dhibaatooyin ka dhashay dhacdooyin dabiici ah oo ba'an oo galaaftay nolosha kumannaan qof oo ku nool Morocco, Libya iyo Masar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM