Duufaanta El Niño: Webiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay degaano dhaca G. Shabeellaha Dhexe

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in wabiga dhawaan ku soo fatahay deegaano dhowr ah ee ku yaala gobolkaas, taasoo saameyn weyn ku yeelatay dalaga ay tacbayeen beeraleyda halkaasi ku sugan sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah.

Khasaare baaxad leh ayaa ka dhashay daadadkan, iyadoo dadka deegaanka ay la daala dhacayaan abaaro iyo fatahaad oo is daba joog kuwaas oo saameeyay nolol maalmeedkoodi, waxayna abuurtay muujado qax ah oo ku wajahan magaalada Muqdisho.

Deegaanada oo saameeyay fatahaadka ayaa ka mid ah tuulooyin hoos taga magaalada Jowhar Xarunta Dowlad-Goboleedka Hirshabelle iyo degmada Mahadaay, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku sii fido deegaano ku teedsan jiinka wabiga Shabeele.

Dadka deeganka ayaa ilaa haatan wax kaalmo ah oo la taaban karo ka helin Hirshabelle, iyadoo Wasiir ku xigeenka wasaaradda maareynta Masiibooyinka ee maamulkaasi Cumar Gaabow uu sheegay in doorkooda oo ku kooban yahay “isku xirka hay’adaha samafalka iyo dadka deegaanka”.

Dhibaatadan ayaa imaaneysa xilli laga digayo duufaanta El Niño ee ku soo wajahan dhamaan gobolada dalka, taas oo wadata roobab xooggan oo daadad ka dhalan kara sida ku xusan warqad ay soo saartay hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM