Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee garoonka Muqdisho oo baaqdey

Image
Talaabadan ayaa waxaa lala xiriirinayaa walaaca iyo digniin dhanka ammaanka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee maanta tagi lahaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee  Aden Adde ee Muqdisho ayaa la joojiyey, sidda ay sheegayaan warar horudhac ah.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali wax fahfaahin ah ka bixin talaabadan oo baajisay safaro ay dalka ku imaan lahaayeen muwaadiniin badan ayna ku dhoofi lahaayeen kuwa kale.

Illo wareedyo ka tirsan saraakiisha shirkadaha diyaaradaha ayaa u sheegay Garowe Online in cabsi laga qabo weeraro Argagixiso awgeed ay u hakiyeen safarkooda qorsheysanaa maanta.

"Diyaaradaha Turkiga, Imaaraatka iyo Qatar ayaa dib-u-dhigay maanta duulimaadkooda, iyadoo wali aysan kala cadeyn shirkada Itoobiya oo jadwalkeeda wali dhegan yahay," ayuu yiri hal illo wareed.

Qatar Airways ayaa tagtay Jabuuti oo ay halkaas uga gudbi jirtay Muqdisho, laakiin hadda sida ka muuqata macluumaadka dhagsan wey joojisay usii gudubka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa xalay waxay faafisay digniin ku saabsan in weeraro ay maleegeyso Al-Shabaab ay ka dhici karaan meelo uu kamid yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaylo-dhaanta Mareykanka oo si gaar ah lagula hadlay muwaadiniinta Ameerikaanka ah ayaa waxa ay ka timid kadib weerarkii xeyndaabka Madaxtooyada ee xalay kaas oo looa deegsaday madaafiic.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM