Eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe oo Maxkamad lasoo taagay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajada kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah u fariisatay dhageysiga dacwada ka dhan ah Eedeysanayaasha Qaraxii Zoobe ka dhacay 14-kii October kaasi oo ay ku dhinteen 512 qof.

Eedeysanayaashan oo gaaraya guud ahaan 5 ayaa 4 kamid ah ayaa kasoo hor-muuqday maanta Maxkamadda kuwaasi oo kala ah;

1:-Xasan Aadan Isaaq Cali, 23 jir ah kuna dhashay Gobolka Baay

2:-Cabdullaahi Ibraahim Xasan Absuge oo maqane ah

3:-Cabdiweli Axmed Diiriye, 32 jir ah kuna dhashay Gobolka Galgaduud.

4:-Mukhtaar Maxamuud Xasan Rooble, 43 jir ah ku dhashay Galgaduud

5:-Cabdul Cabdi Warsame Cali, 35 jir ah ku dhashay Caabudwaaq.

Eedaysanaha kowaad Xasan Aadan Isaaq Cali, ayaa lagu soo eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa qaraxii Zoobe, sidoo kalena uu gacantiisa ku waday Gaariga 2aad ee ku qarxay Wadada Danwadaagaha.

Xasan Aadan Isaaq Cali, waxa uu sidoo kale Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada Muqdisho.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur "Shuute", gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ayaa ku dhawaaqay in dhageysiga dacwadda raggan dib loo dhigay maalinta Khamiista ee soo socota.

Waxaana fursad loo siiyay qareenada difaacaya eedaysaniyaasha iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida inay cadaymo dheeri ah keenaan Maxkamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM