Eedeysanayaasha Weerar ka dhacay Muqdisho oo la xakumay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, ayaa maanta go'aan ka gaartey kiiska saddex eedeysane oo loo hayay weerar ka dhacday sanadkii tagey magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Maxkamadda, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Farxaan Maxamed Samatar, Cabdi naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule lagu helay dembigii lagu soo ogey, sidaasi darteedna lagu xukumay dil toogasho ah.

Shuute ayaa sheegay in Saddexda eedeysane ay kahor qirteen Maxkamadda inay qeyb ka qaateen weerarkii Hotel Naasa hablood Labo oo dhacay 28-kii October, 2017, kaasi oo lagu dilay dad badan oo uu kamid ahaa Wasiirkii arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed, Allah ha u naxariistee Madoobe Nuunow Maxamed.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Cidii aan ku qanacsaneyn xukunka uu u furan yahay Racfaan.

Waxaa lasoo bandhigay sawirada saddex dhalinyarada ah ee la xukumay, qoryo AK-47 ah iyo bambooyinka gacanta oo Gudoomiyaha Maxkamadda uu sheegay inay wateen xilliga ay Ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigayeen.

Israsaaseyn dhexmartay eedaysaniyaasha iyo Ciidamada dowaldda ayaa sababtay dhaawaca mid ka mida raggan halka labada kale ay ku carareen guri ka ag dhawaa Hotel-ka, sidaasna lagu soo qabtey, sida Maxkamaddu ay sheegtay.

Al-Shabaab wali kama aysan hadlin xukunka lagu riday saddexda dagaalame ee la sheegay inay iyadu katirsanaayeen, waxaana xukunkan uu kusoo beegmayaa xilli magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM