Eedeysane ay doon-dooneyso DF oo xogtiisa lasoo bandhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'addaha ammaanka Soomaaliya ayaa soo bandhigay macluumaad ku saabsan eedeysane lala xiriirinayo Al-Shabaab kaasoo loo haysto dhacdooyin amni darro oo ka dhacay Muqdisho.

Sidda ku xusan warbixin kasoo baxday Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda, Maxamed Axmed Muumin ayaa qayb ka ahaa weeraro uu caasimada ka fuliyey Mustaf Maxamed Xuseen oo loo yaqaano Abuu Cabadalla.

Abuu Cabadalla oo lagu xukumay xabsi daa'in ayaa lagu soo qabtay isagoo qarax ku dhejinaya gaari, sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii. Xukunsanaha waa markii labaad oo Al-Shabaabnimo loo maxkamadeyo.

Sanadkii 2014-kii ayaa shan sano oo xabsi ah loogu xukumay in uu qarax ku dhejiyey gaari. 2018-kii ayuuna dhameystay xukunka

Muumin ayaa lagu waramay in uu ahaa hogaamiyaha Mustaf isla markaana uu qoondeyn jiray dhaqaalaha ay ka helaan Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamadda oo sidoo kale xabsi daa'in ku xukuntay Muumin ayaa shaaca ka qaadey in uu Mooto Bajaaj ku waday Mustaf.

28-jirkaan loo garan og-yahay Garaare ayaa Al-Shabaab kaga biiray degaanka Buur-dhuxule oo ka tirsan gobolka Bakool. Isla waqtigaas ayuu Mustaf kamid noqdey xoogaga xiriirka la leh shabakadda Al-Qaacida.

Maadaama isagoo maqane ah xukun lagu ridday, tani ayaa la macno ah in lagu fulin doono waqti walba oo uu soo galo gacanta dowladda oo la fahansan yahay in ay ka shaqeyneyso sidii ay u soo qaban lahayd Muumin.

Sidda ku xusan warbixinta Maxkamadda, Maxamed Axmed Muumin oo hooyadii lagu magacaabay Nuurto Maxamed Deer ayaa ah aabaha laba caruur ah, balse wuxuu furay xaaskiisa. Lama ogga sababta dhalisay.

Sanadkii hore ayay ahayd markii maxkamada ciidamadda ay xukunno ku ridday shaqsiyaad Al-Shabaab ah oo kamid ahaa shabakado weeraro qaraxyo u badan ka fulisay Muqdisho, mana la ogga hadii gacanta lagu dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM