Egypt Air oo xaqiijisay in duulimaad toos ah ka bilaabeyso Muqdisho

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli Fly Dubai oo laga leeyahay Imaaraadka ay dhowaan joojisay duulimaadyadii.

 

MUQDISHO, Soomaaliya — Diyaaradda Dowladda Masar ee Egypt Air ayaa xaqiijisay in ay dhowaan bilaabeyso duulimaad toos ah oo ay isaga kala gudbeyso Muqdisho iyo Qaahiro.

Duulimaadma Qaahiro iyo Muqdisho ayaa noqon doono todobaadkii labo jeer wallow aanan si rasmi ah loosoo bandhigin maalmaha ay kala noqon doonan duulimaadyadaas.

Talaabadan ayaa imaanaysa xilli Fly Dubai oo laga leeyahay Imaaraadka ay dhowaan joojisay duulimaadyadii isku xirayay Muqdisho iyo Abu Dhabi sababo aan la ogayn.

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay shirkaddan ayaa waxaa hoosta looga xariiqay in ay go'aankan uu salka ku hayo arrimo dhanka farsamadda ah wallow aysan si dhab ah uga faalloon sababaha keenay joojintan.

"Waxaan uga mahadcelinaynaa Hay'adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed iyo mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha Muqdisho taageeradii ay noo fidiyeen sanadkii lasoo dhaafay," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Xaqiijinta shirkadda Fly Dubai ee ku aadan in ay joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtey Muqdisho ayaa kusoo aadaysa xilli xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi uu si weyn hoos ugu dhacay bilooyinkii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM