Faagida Qabuuraha Muqdisho: Mashruuc Dan-guud mise Dan-gaar ah?

Image
Bulshadda caasimadda ayaa si weyn ugu kala qeybsantay talaabadan oo Dowladda Federaalka difaaci weyday.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoysas badan ayaa muujiyay argagagax iyo caro kadib markii ay Dowladda Soomaaliya ku amartay in muddo 10 maalmood gudahood ah kula baxaan ehelkooda ku aasan Qabuuraha Akadeemiyada Policia ee Jeneraal Daa'uud ee ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dadka la soo saaray bishii May ee sanadkan waxaa ka mid ah meydka majaajiliistaha caanka ah ee lagu magacaabo Cabdi Muriidi Dheere Ajakis kaas oo geeriyooday Sebtember 2021.

Wararka qaar oo laga helayo dad si dhow ula socda kiiskan ayaa sheegaya in dhulka badda ku teedsan loo isticmaali doono horumarinta hanti ma guurto ah oo gaar loo leeyahay. 

Balse, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ku magacaaban Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo shalay tagay meesha laga saarayo meydadka ayaa sheegay in dowladdu ay qorsheyneyso inay dhisto xarun lagu tababaro ciidamada badda.

Dooda ku saabsan saaritaanka meydadka ayaa soo baxdey ka dib markii ay Dowladda Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga heshiis 10 sano ah oo difaaca badda ah bishii Febraayo ee sanadkan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah mucaaradka dowladda federaalka ah ayaa waxa uu si weyn u dhaleeceeyay mowqifka dowladda ee saaritaanka qabuurahan.

Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda ay bishii hore dafirtey saaritaanka meydadka balse ay shalay qiratay.

"Maadaama ay ogyihiin in la aaminaynin, ayey madaxdii dawlada iska soo hormariyeen culimo si loo aamino. Waa arrin laga xumaado in culimadu ay noqoto marin wax lagu xalaalaysto," ayuu raaciyay.

Siyaasiga ayaa intaas ku daray: "Waxay madaxda dowladda maanta caddeeyeen in aan qowlkooda la aaminaynin, lana aami doonin. Waxa keli keli ah ee u haray ayaa ah in ay maalin kasta raadiyaan cid ay kaarkooda xoqdaan". 

"Waxay joogaan halkii uu Suubanaheennu (NNKH) ka yiri; “Haddii aadan sariig lahayn, waxaa doonto fal,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Dowladda Federaalka ah.

Qabuuraha Akadeemiyada Policia ayaa kamid ah meelaha ay ku aasan yihiin dadka ugu badan magaaladda Muqdisho. Dadkan halka ku aasan ayaa waxaa kamid ah mas'uuliyiin dowladeed kuwaas oo xilal sarre kasoo qabtey waddanka. Sikastaba ha ahaatee, arrintan ayaa xataa dood ka dhex-dhalisay culimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku sugan Masar xilli lagu muransan yahay xilkiisa

Arrintan ayaa soo shaac baxday xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho …

  • Soomaliya

    12-01-2025

  • 03:08AM

Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo heshiis ku gaarey Addis Ababa

Xiriirka labada dal ayaa gaarey meel hoose kadib heshiiskii badda uu Abiy Axmed kula galay Addis Ababa Muuse Biixi 1dii January 2024.

  • Soomaliya

    11-01-2025

  • 05:38PM