​Faah faafin weerarka Hotel Ambasador

Image
Image
Image

MUQDISHU- Wali waxaa socda howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka goobta weerarku ka dhacay, waxaana hotelka Ambasador ku dhex dagaallamaya ciidamada nabadgalyada iyo mallayshiyaadkii weerarka gaystay.

Tirada dhimashada ayaa maraysa ilaa 15 qof oo u badan shacab, balse ku jiraan Xildhibaano katirsan Barlamanka Soomaaliya.

Dadka dhintay waxaa ku jira labo mudane katirsan Barlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo lagu kala magacaabo; Cabdullaahi Jaamac Kaba-weyne iyo Xildhibaan Maxamud Maxamed Guure.

Warrar aan ka helnay Cusbitalka Madiina ee magalada Muqdishu, ayaa sheegaya in lasoo gaarsiiyay dhaawaca 50 ruux oo siyaabo kala duwan wax u soo gaareen.

Waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in dadka dhintay kamid ah wasiirkii hore cadaaladda Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir, balse Warsidaha Garowe Online, ayaa loo xaqiijiyay in ruuxaasi uu ahaa mas'uulka walaalkii oo lagu magacaabi jiray Cabdixamiid Cabdulqaadir.

Wakaaladda warrarka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa baahisay, in dadka la soo badbaadiyay ay ku jireen guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo qaba dhawac fudud oo kasoo gaaray Lugta iyo Xildhibaanna kala ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Max’ed Cumar Macloow, Cabdullaahi Dayib iyo Max’ed Xirsi Ducaale.

Weerarkan waxaa sidoo kale Cambaareeyay dowladda Soomaaliya, waxaana wasiirka warfaafinta oo la hadlay warbaahinta dowladda uu sheegay inay ka xunyihiin dhibkaas isagoo tacsi u diray dhammaan dadkii waxyeelladu kasoo gaartay.

“Waxaan u hambalyeynayaan ciidammada amniga Qaranka ee diyaarka ku ahaa agagaarka weerarku uu ka dhacay, una gurmaday hotelka weerarka lagu qaaday, ciidanka ayaa weli wada dedaal xooggan, si ay u badbaadiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay argagixisadu dhibaateynayaan,” Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Weerarkan waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay ururka Shabaab, waxaana lagu soo beegay xilli la filayo inuu Jimcaha soo gaaro caasumadda Soomaaliya, madaxweynaha dalka Turkiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM