​Faah faahin dagaalka Baladweyne

Image

BALADWEYNE- Xaaladda magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa haatan dagan, balse waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah, kadib dagaal xooggan oo galinkii dambe maanta ka bilowday xaafadda galbeed magalada dhacda ee Howl-wadaag.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah, balse xiriiro kala duwan oo aan la samaynay dadka deegaanka iyo ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, waxay noo sheegeen inay dhinteen 4 qof oo shacab ah isla markaana dhaawacyo kala duwan soo gaareen ilaa 5 kale.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyo labo mallayshiyo beeleed dhawr jeer oo hore ku dagaallamay magalada Baladweyne.

Majirto cid soo faragalisay xiisaddaasi, laakiin goobta dagaalku kasocdo waxaa ku sugan maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamo katirsan AMISOM oo saldhig millateri ku leh xaafaddaasi.

Dagaalka ayaa iskiis u istaagay, maadama la galay waqti habeennimo ah, balse mallayshiyada ayaa weli isku horfadhiya Howl-wadaag.

Isu socodka gaadiidka iyo dadka ayaa hakaday, waxaana la sheegayaa dad ku xaniban suuqyada iyo goobaha ganacsi.

Waxgaradka Baladweyne ayaa diray baaqyo nabadeed, waxayna wadaan waan waan ku aadan sidii dagaalka loo qaboojin lahaa.

Dhawr jeer, waxaa fashilmay hishiisyo beelahaasi la dhex-dhigay, lamana garan karo sababta dib u soo celisay khilaafka beelaha ood-wadaagta ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM