​Faah faahin shirka Muqdishu ka furmay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Afhayeenka Madaxweynaha Somalia Da'uud Aweys ayaa faah faahin ka baxshay shirka maanta magalada Muqdishu uga fumray madaxda Somalia, kaasi oo  looga hadlayo arrimaha kala duwan mudada kooban ee la qorsheeyay inuu Socdo.

Da'uud oo la hadlay Idaacadda Radio Garowe, ayaa tilmaamay in shirku si wanaagsan u socdo islamarkaana maanta looga dooday arrimo kala duwan oo ku jirto doorashada Somaalia qaabka loo wajahayo.

Wuxuu meesha ka saaray inaysan jirin wax is faham waa ah oo dhacay mudada kulanku socday isagoo sheegay inay horay madaxdu isu aragtay oo ka munaaqishoodeen arrimo kala duwan gaar ahaan kuwa madasha quseeya.

Aweys ayaa tilmaamay in kulanka lagu soo hadal qaaday xaaladda amniga iyo siyaasadda ku saabsan taasi oo sheegay in dowladda Somalia la kaashanayso maamullada qaybta ka ah Federalka.Wuxuu intaasi raacshay in sidoo kale madasha looga doodi doono dastuurka dalka oo muddooyinkii dambe muran ka taagnaa.

Afhayeen ayaa xusay in madaxdu kala qaateen dar-daaran khuseeay qaabkii madashan looga fogayn lahaa muran iyo is-qabqabsi islamarkaan si hufan loogu adeego shacabka Somaliyeed oo masiirkooda gacanta ugu jiray madaxda Muqdishu ku shiraysa.

Kulankan, ayaa qayb ka ah madallo horay uga dhacay qaybto kamid ah magaalooyinka dalka Somalia, waxaana la qorsheeyay inuu socdo muddo dhan saddex bari iyadoo gunanadka laga soo saari doono warmurtiyeed khuseeya waxa la isla gartay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM