​Faah-faahin weerarka Muqdishu

Image

MUQDISHU- Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyooday 5 ruux oo ku jiraan carruur Iskuul katimi, waxaan dhaawacmay 7 kale kadib qarax xooggan maanta ka dhacay nawaaxiga xarunta gobolka Banaadir ee Officio Governo.

Saraakiil katirsan wasaaradda amniga Somalia ayaa xaqiijisay khasaaraha, waxaynta intaasi raaciyeen in qaraxu ka dhashay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaasoo lagu sii diyaariyay islamarkaana la dhigay maqaayad ku dhaw xarunta gobolkaasi.

Dhinaca kale waxa falkaasi ka hadlay Afhayeenka gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in weerarkasi lagu dilay 5 ruux oo isugu jiray Carruur iskoolley ah iyo caseeyayaal, halka dhaawaca oo uu sheegay inay yihiin 7 qof.

“Anigu weerar ma dhihi karo laakiin wuxuu ahaa qarax doqomeed kooxda UGUS doonayeen inay ku waxyeelleeyaan shacabka Somaliyeed, runtii siday doonayeen uguma fulin, waxaanse u sheegayaa inay diyaar yihiin ciidamii la dagallamayay, qabanayay iyagoo miinooyinka aasaya. Waxaana imaan doonta waqti Shabaab laga sifeeyo Somalia," Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka gobolka Banaadir.

Falkan, waxaa sheegtay ururka Shabaab oo barahooda taageera ku faafiyay inay ku dileen qaraxaasi toboneeye katirsan ciidanka dowladda Somalia.

Weerarkan, ayaa kusoo beegmay xilli uu socdo shirka madaxda Somalida ee looga hadlayo doorashada dalka ka dhacaysa 2016 iyo xaaladda amni, waxaana wararku sheegayaan in shirka loo wareejiyay xarunta Xalane sababo amni darteed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM