Faahfaahin dagaal culus oo dhaxmaray Ciidamada Dowladda iyo ‘AS’

Image
Ciidamada Dowladda ayaa qorsheyneya inay dib u qabsadaan magaalada Caad.

CAAD, Soomaaliya - Dagaal culus oo maanta dhaxmaray Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo kooxda “AS” ayaa ka dhacay deegaanka Jeex-Jeexa oo hoostaga magaalada Caad ee Koofurta Gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa socday saacado badan, waxaana Dowladdu sheegtay in ay Jab xoog leh ku gaarsiiyey xubnaha kooxda ‘AS” ee halkaasi ku sugnaa, iyadoo saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay xaqiijiyeen in lagu dilay horjoogeyaal badan.

Ciidanka xoogga ayaa Saakay dagaal culus ku qaaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda “AS”, waxaana la burburiyey xarumihii ay ku lahaayeen.

Ciidamada Dowladda ayaa qorsheyneya inay dib u qabsadaan magaalada Caad ee Koofurta Gobolka Mudug, iyaga oo haatan dhinacyada ka fadhiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM