Faahfaahin: Kulan Kismayo uga socda DFS, IGAD iyo Jubaland

Image

Kulamo gooni gooni ah oo ilaa maanta ka soconayay xarunta madaxtooyada maamulka Jubbaland ee Kismaayo kuwaas u dhaxeeyey wafdiga Wasiirada ka socda DFS, madaxda sare ee maamulka Jubbland iyo xubno matalayay ururka IGAD, ayaa laga soo saaray qodobo hor dhac ah.

Xogta aan ka heleyno madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegaysa in labo qodob ugu muhiimsanyihiin kuwa ilaa hadda la'isla meel dhigay iyadoo kulamo kale loo balansanyahay kuwaasoo si wada jir looga soo saari doono war-murtiyeed loo dhan yahay.

Qodobada la isla gartay ayaa waxaa kamid ah in xubno ka tirsan wafdiga isku dhaf ah oo ka koobnaan doona IGAD, DFS, maamulka Jubaland iyo odayaal dhaqameed maalinta berri oo ku beegan 27 august,2014  loo dirro deeganka Sabca Asharaaf ee duleedka magalada Kismaayo, halkasoo fariisa u ah  Barre Aadan Shire Hiiraale oo dagaal la galay maamulka Jubba sanadkii tagey.

Barre ayaa sida la sheegay lagu qancin doonaa in la keeno magaalada Kismaayo.

Horey ayaa waxaa isugu dayey talabadaan Ra'isal Wasaaraha dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh taasoo faashil ku soo dhamaatey kadib markii Barre ku soo gacan seeray ergo loo diray.

Sidoo kale qodobada hordhaca ah oo la  la is gartay waxaa kamid ahaa in 21 September,2014 si  wada jir loo furo shirkii dib u heshiisiinta dadka daga degaanada Jubbaland.

Wali lagama wada hadlin arrimaha xasaasiga ah sida heshiiskii Addis Ababa kaasoo maamulka Jubba iyo DFS qodobo ka tirsan isku khilaafsan yihiin sida loo hirgalinayo.

GAROWE ONLINE kala soco wararka la xiriira kulankaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Cambaareysay Weerarkii lagu Qaaday Madaxdii Hore ee Soomaaliya

Puntland waxay uga digtay dowladda federaalka in haddii aan si deg-deg ah heshiis looga gaadhin doorashooyinka dib u dhacay.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 02:15PM

Fiqi oo ku eedeeyay Sheekh Shariif iyo Khayre inay abaabuleen afgambi ka dhan ah Xasan Sheekh

Fiqi ayaa sidoo kale ku andacooday in mucaaradku ay abaabuleen maleeshiyaad si weyn u hubeysan iyagoo ku gambanaya banaanbax nabadeed.

  • Soomaliya

    04-06-2026

  • 07:24AM