Faahfaahin kasoo baxday Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay saaka aroortii ku soo tooseen dhawaqa Qarax Ismiidaamin ah oo lala eegtay fariisin ciidamada ay ku leeyihiin Ceelasha biyaha.

Qaraxan ismiidaaminta ah ayaalagu fuliyay gaari nooca aan xabadu karin oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo sii kordhiyay qasaaraha ka dhashay falkan.

Ilaa hadda waxaa la warinaya geerida sarkaal taliye hurin ka ahaa saldhigga la weeraray iyo dhaawaca dhowr askari oo ka tirsan xoogga Dalka.

Laamaha amaanka ayaan wali xaqiijin tirada saxda ah ee ku dhintay qaraxan, xilli saldhigga laga bilaabay baaritaano ku aadan sida ninka weerarka fuliyay uu ku soo galay xirada.

Ceelasha Biyaha ayaa dhawaanahan laga fuliyay weeraro is-daba-joog ah oo ay ka dambayaan kooxda AS, hay'adaha amaanka ayaana inta badan lagu eedayaa in ay gabeen howlahooda ku aadan xaqiijinta amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM