Faahfaahin ku saabsan dagaal ka qarxay gobolka Shabeelaha Dhaxe

Image

NUUR-DUGLE, Soomaaliya - Kooxda ‘AS’ ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Nuur-Dhagli ee hoos yimaada Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa iska caabiyay weerarka lagu bartilmaameedsaday fariisimaha ciidamada ay ku leeyihiin gudaha deegaanka, waxaana halkaasi ka dhashay qasaaro xooggan oo soo gaaray maleeshiyadii weerarka soo qaaday.

Dhinaca kale, 4 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay dagaalka, 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada, waxaana magaalada weli gacanta ku haya ciidamada.

Ciidamada dowladda ayaa ilaa haatan sii wada howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada iyo deegaanada hoos yimaada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM