Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay degmada Dayniile

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa saaka ka dhacay degmada Dayniile, kaasi oo Ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo loo maleynayo inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari uu la socday Taliyaha Nabad Suggida ee Degmada C/raxmaan Cali Kukou, kaasoo si mucjiso ah uga badbaaday.

Qaraxan waxa uu ka dhacay wadada dheer ee aada xarunta degmada Dayniile, gaar ahaan deegaanka Guutaale sida ay sheegeen dadka deegaanka. waxaana ku naf waaye laba qof.

Xaaladda ayaa degtay tan iyo saakay, waxaana dib u soo laabtay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada uu saameeyay ee ka tirsan gobolka Banaadir.

Degmada Dayniile ayaa waxaa dhawaanahan ka dhacayay qaraxyo xiriir ah, inkastoo qaarkood lagu guuleystay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay fashiliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM