Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay degmada Deyniile

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka degmada Dayniile ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qarax gaari oo maanta barqadii ka dhacay dagmadaas.

Cali Cabdi Faarax Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee degmada Deyniile oo la hadlay warbaahinta ayaa daboolka ka qaaday in qaraxa uu ka dhacay bar koontarool ku yaalla degmada Dayniile.

Ciidamada xasilinta caasimadda ayaa la sheegay in ay si degdeg ah u soo farageliyeen oo ay ka hortageen qaraxan, kaas oo noqonaya kii labaad oo loo waday in lagu qarxiyo gudaha magaagalada Muqdisho ee fashiliyaan ciidamada ammaanka degmada Dayniile.

Sida uu sheegay Faarax, qaraxa waxaa ku dhaawacmay lix qof oo shan ka mid ah ay ahaayeen askar, halka qofka soo haray uu ahaa qof rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM