Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay magaalada Beledweyn

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa goordhow waxaa ka dhacay qarax xooggan oo si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada. Qaraxan ayaa ilaa haatan la shhaacin bartilmaameedkiisa ayaa geystasy Khasaare Nafeet iyo mid hantiyadeed.

Dadka deegaanka ayaa warinaya in gaari weyn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa loo adeegsaday qaraxan waxuuna ka dhacay barta Koonatarool ee Horseed oo ku taalla nawaaxiga Warshada Cabitaanka Horseed ee Baladweyne.

Xaafadda Horseed ayaa caan ku ah maqaayadaha iyo goobaha ganacsiga waxaana Baraha bulshada la soo dhigay muuqaal muujinaya burburka baaxadda leh oo qaraxa ka dhashay.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay geerida in ka badan 20 qof oo ku dhimatay qaraxan, iyada oo laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay sii kororto, halka ciidamada amaanka ay goobta uu qarxa ka dhacay ka sii wadaan baaritaano lagu ogaanayo baaxadda uu la'eg yahay khasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM