Faahfaahin Qarax ka dhacay degmada Jowhar

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Wararka caawa ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qarax khasaare geystay uu ka dhacay guri ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka kuwaas oo la joogay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qraxaan ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirto, iyada oo dadka deegaanka xaqiijiyeen dhimashada 5 ruux oo ka tirsanaa Ciidamada deeganka galbeedka Magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa hadda waxaa ka taagan xiisad adag, iyadoo dhawaqa rasaasta laga maqlayo waddooyinka. Dowladda Hirshabelle ayaa ilaa haatan war kasoo saarin qaraxaan eewaxyeello kasoo gaartay dad raiyd ah.

Dhawaanahan ayaa waxaa ka socday degmada Jowhar abaabul ay beelaha dega galbeedka Hirshabelle isugu diyaarinayaan wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ‘AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM