Faahfaahin qarax ka dhacay duleedka degmada Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Laamaha ammaanka ayaa fashiliyay laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu weeraray goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, sida ay sheegeen ilo-wareedyo rasmi ah.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, laamaha ammaanka ayaa xogta qaraxan ka helay dadka deegaanka, waxayna uga dabatageen gaariga ka hor inta uusan gudaha u gelin magaalada dhuusamareeb.

Qoraalka la baahiyay ayaa lagu xusay: “Ciidanka ammaanka ayaa saaka ka hor tagay laba gaari oo khawaarijta ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha Qarxa oo ay doonayeen inay gudaha u galiyaan magaalada Dhuusamareeb”.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa noqotey xarunta laga hago dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, halka kooxda argagaxisada ah ay bartilmaameedsaneyso magaaladaan si ay u fashiliyaan dagaalka oo lugu guuleestay ilaa haatan in la xoreeyo deegaano hor leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM