Faahfaahin Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay magaalada Afgooye

Image
Ilaha rasmiga ee dowladda ayaan wali wax war ah ka soo saarin dhacdadan.

Afgooye, Soomaaliya - Wararka nooga imaanayo magaalada Afgooye ayaa sheegaya in meel ku dhow isbitaal ku yaalla magaaladaasi, uu ka dhacay qarax xooggan waxaana qaraxa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, oo soo gaaray dad shacab ah.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ee ka dhawaa aagga uu ka dhacay qaraxa mooto Fikoon oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen tiro gaaraysa ilaa 3-qof, halka ay ku dhaawacmeen dad toboneeyo gaaraya.

Ilaha rasmiga ee dowladda ayaan wali wax war ah ka soo saarin dhacdadan, xilli hay’daha Caafimaadka magaalada Afgooye, aanay si rasmi ah inoogu sheegin tirada saxda ah ee waxyeello ka soo gaartay qaraxa.

Magaalada Afgooye ayaa ku soo laalaabtay qaraxyada noocaan ah, iyada oo ay ku soo bateen magaalada kooxo aan heybtooda la garanayn ka dambeeya falalka noocan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM