Faahfaahin weerarkii ka dhacey makhaayad ku taal xeebta Lido

Image

MUQDISHU: Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatey halka ay ku dhaawacmeen 20 kale weerar qarax la socdo oo koox dabley ah kusoo qaadey Makhaayad ku taal xeebta Lido magaalada Muqdishu.

Weerarkaan ayaa ku bilowdey qarax lala beegsadey Makhaayadaan kadib waxaa weerar ku soo qaadey koox dabley ah oo lagu sheegey in tiradooda aheyd 5 qof.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaan uu ku dhaawacmey wariyihii laanta Af-Somaliga BBC-da Maxamad Ibraahim Macalimu, halka la sheegayo in dhaawaca kasoo gaarey madaxa.

Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa cambaareeyey weerarkaan isagoo ku tilmaamey mid axmaqnimo ah oo bini'aadnimada ka baxsan.

Hotelkaan oo ay isugu imaan jireen saraakiisha dowlada, dadka qurbo joogta iyo dhalinyarada magaalada Muqdishu ayaa waxaa suurtagal ah in dhimashada iyo dhaawaca intaas ka bato madaama gudaha makhayadaan madax furasho ahaan kooxdaan dad ugu haysteen in muddo ah.

Afhayeen u hadley ururka Al-shabaab ayaa sheegtey mas'uuliyada weerarkaan iyaga oo xusey in bartilmaameedsanayeen saraakiil ka tirsan dowlada Federaalka oo halkaas ku sugneyd.

Weeraradaan ayaa ku soo beegmaya xilli ururka Al-shabaab burburiyeen xero ciidamada Kenya ku lahayeen Koonfurta Somalia halkaasoo ku dileen tiro badan oo ka tirsan xoogaga AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM