Faahfaahinta dab ka kacay Suuqa 2-aad ee ugu weyn Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xalay salaadii Maqrib ka dib dab qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho oo ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada.

Dabka ayaa geystay khasaare hantiyeed oo aad u badan, iyadoo aysan jirin cid wax ku noqotay dabkaasi sida ay wariyeen hay’adaha amaanka.

Dabka ayaa ka bilowday qeybta dharka ee ku dhow Masjidka Marwaas, iyadoo aan isla markii lala tacaalin oo si weyn ku fiday.

Gaadiidka dab-damiska ayaa gaaray goobihii uu dabka ka kacay, waxaana lagu guuleystay in la badbaadiyo hanti badan oo ay lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed.

Suuqyada ay Soomaalidu ku leeyihiin gobolka ayaa waxaa sanadihii dambe ka kacayay dab ay ku hanti beeleen tiro badan oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM