Faahfaahinta dagaal ka dhacay deegaanka Buq-Dharkayn

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Deegaanka Buq-Dharkayn ee dhaca gobolka Sool ayaa waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamada maamulka SSC-Khaatumo iyo kuwa Somaliland, waxaana ka dhashay khasaare aan weli la shaacin baaxadeeda.

Ciidamada maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan taliyihii saadka ee maamulka Somaliland, waxaana ciidamadan u suurtagashay in ay sidoo kale la wareegaan labo gaari oo nooca dagaalka ah.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dagaalladan ay ka dhasheen isku-day ay Somaliland ku doonaysay inay xoog ku qabsato deegaanka Buq-Dharkayn.

Sawiro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya maxaabiis iyo qalab ay ciidamada SSC-Khaatumo gacanta ku dhigeen.

Dagaalo goos-goos ah ayaa weli socda oo u dhaxeeya labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka labada dhinac aysan wax war ah ka soo saarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM