Faahfaahinta weerar AS ku qaadey saldhig boolis oo ku yaala duleedka Muqdisho

Image
Siyaasiyiin & Xildhibaano ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dhaliilayay habaca ku yimid howlgalka ka dhanka ah AS.

Marka (GO) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar AS ay ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin agagaarka deegaanka Busleey ee koonfurta magaalada Muqdisho.

Khasaaro xooggan ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay weerarkan bilawday subaxnimadii hore, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Taliye Liibaan Golcad oo ka mid saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Dowladda iyo Boolis Militaare ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday weeararka iyo tiro kale oo askar ah.

Saldhiga la weeraray ayaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Booliis Militaare, Haramcad iyo Hay’adda Nabadsugida.

Dowladda ayaan wali shaacin tirada rasmiga ee ku geeriyooday dagaalka, halka ilo ka tirsan dadka deegaanka ay sheegaayaan in kooxda AS ay la wareegtay Saldhigga.

Siyaasiyiin, Xildhibaano ka tirsan labada gole iyo Khubaro dhanka amaanka ah ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dhaliilayay habaca ku yimid howlgalka ka dhanka ah AS, iyagoo ka digay halista ku leedahay guulaha laga gaaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM