’Faragelinta Israel ee madax-bannaanideenna waa mid aan la aqbali karin’: Madaxweynaha Soomaaliya
DOHA — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay go’aankii ay Israel ku aqoonsatay gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay "ku-xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah" kaas oo wiiqaya midnimada Afrika iyo xasilloonida gobolka.
Hadalladan oo uu madaxweynuhu ka jeediyay Madasha Al Jazeera (Al Jazeera Forum) ee ka dhacday caasimadda dalka Qadar ee Doha, ayaa yimid ka dib go’aankii ay Israel dabayaaqadii bishii December ku noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaan.
"Faragelinta Israel ee madax-bannaanida Soomaaliya waa mid aan la aqbali karin," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. "Afrika waxay diiddan tahay isku day kasta oo lagu beddelayo xuduudaha iyadoo la adeegsanayo xoog ama go’aanno hal dhinac ah."
Somaliland oo ku taal marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1991-kii, balse kama aysan helin beesha caalamka aqoonsi rasmi ah muddo soddon sano ka badan. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa in gobollada waqooyi ay yihiin qayb ka mid ah dalka, heshiis kasta oo caalami ahna uu u baahan yahay oggolaanshaha xukuumadda Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale isku xiray khilaafkan diblomaasiyadeed iyo dagaalka ka socda Gaza, isagoo weerarada Israyeel ku tilmaamay "musiibo bini-aadanimo oo aan horay loo arkin." Waxa uu ka digay in nidaamka caalamiga ah uu wajahayo "imtixaan adag," haddii la oggolaado in xooggu ka sarreeyo sharcigana ay taasi horseedi karto xasillooni darro caalami ah.
Hoggaamiyaha Soomaaliya ayaa ku dooday in xal u helid la’aanta arrinta Falastiin ee ku salaysan laba dowladood ay khatar joogto ah ku tahay nabadda caalamka.
"Haddii aysan beesha caalamku mowqif adag ka istaagin xad-gudubyadaas, dunidu waxay geli kartaa xasarado ka sii qoto dheer kuwa hadda jira," ayuu raaciyay.
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa horay u sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu salka ku hayo "ruuxda Heshiisyadii Ibraahim," iyadoo cuskatay iskaashi dhinacyada tignoolajiyada iyo beeraha ah. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa dhalisay cambaareyn ballaaran oo ka timid Midowga Afrika iyo dalal dhowr ah oo Carab ah, kuwaas oo u arka mid dhalinaysa qalalaase ka dhaca Geeska Afrika.
Ugu dambeyntii, madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo xusay in nabadgelyada Badda Cas ay muhiim u tahay ganacsiga adduunka.
GAROWE ONLINE