Farmaajo: Askari xun ma jiro laakiin waxaa jira Sarkaal xun

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay daldaloolyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, isagoo hogaanka ugu baaqay inuu bedelo qaabka hadda ay ku hogaaminayaan ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in uusan jirin Askari xun, balse uu jiro Sarkaal xun oo jiho wanaagsan ku hagin ciidamada, taasina ay keento fashilka howlgallada dalka looga saarayo Al Shabaab oo mudo dheer socda.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in sare loo qaado Aqlaaqda Ciidamada, isagoo saraakiisha sare kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka saaran, islamarkaana ay wax ka bedelaan sida ay u fekerayaan.

Madaaxweynaha oo la hadlay ciidamadii ugu horeysay uu Turkiga tababarey ayaa Askarta ku booriyay inaysan ka tagin daacadnimada, sidoo kalena ay ogaadaan inuu waajid ka saaran yahay difaacida dalka iyo dadka.

Saldhigga cusub ee Turkiga dhawaan ka dhisay Muqdisho waxaa shalay ka qalin jebisay dufcadii ugu horeysay oo ciidamada xoogga kusoo biiray kuwaasi oo lagu qalabeeyay hub casri ah iyo gaadiid dagaal. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM