Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo laga dhex-bilaabay dhex-dhexaadin

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa dhex-dhexaadin ka dhex-bilaabay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Axmed Maxamed Islaam, sidda u Garowe Online ogaadey.

Wadahadalada oo albaabada u xiran yihiin ayaa ka qabsoomay Madaxtooyadda Dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

U kala qab-qaaditaanka ayaa kusoo hagaageysa kahor shir-madaxeedka lagu waddo in ay yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo maamulada, kaas oo diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka soo aadan.

Illo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in dhexdhexaadinta laga dhex-bilaaay Farmaajo iyo Axmed Madoobe ay daaran tahay sidii loosoo afjari lahaa kala aragti duwanaanta dhextaala kahor shirka wadatashiga heerka Qaran.

Hogaanka dowladda federaalka ah iyo Jubbaland ayaanan wax wadashaqeyn ah ka dhexayn tan iyo markii la doortay Farmaajo oo isku dayey in doorashadii ka dhacday Kismaayo uu farageliyo balse uu ku guuldareystay.

Jubbaland ayaa dhowr jeer sheegtay in ay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho dowladda federaalka si loo xaliyo tabashooyinka dhexyaalay, balse waxaa ka cagajiidayey dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay wadashaqeyn la'aanta ayaa sheegtay in ay curyaamin karto arrimaha hor-tabinta u leh dalka gaar ahaan doorashooyinka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay gaarey Dhuusamareeb kadib casuumaad loogu diray shir ay isla magaalada ku yeesheen maamuladda dalka oo isku raacay in doorashooyinka 2020-21 aysan noqon karin qof iyo cod.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM