Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo eedeyn culus loo jeediyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo lataliyihiisa amniga Qaranka, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa qorsheynaya in ay "burburiyaan" ciidamada booliska.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo soo noqdey taliye ku xigeenka hay'adda sirdoonka qaranka, ayaa Talaadada maanta ah wuxuu shaaca ka dhigay in Farmaajo iyo Fahad ay musuqmaasuqeen xulista cutubyada ciidanka.

Sida laga soo xigtay Cabdalla oo qoraal ku daabacay Facebook-ga, "musuqmaasuq ayaa sanadihii lasoo dhaafay wehel u noqoday ciidanka Police Soomaaliyeed".

"Waa arin ceeb weyn ah in ciidanka lagu sheegay in loo tababarayo DFS Xarunta tababarka Police Carmo Puntkand ay dhammaantood noqdaan Hal beel/Hal Jufo," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaa muuqata inay F&F ay qorshaynayaan inay burburinyaan sharaftii ciidanka ugu faracaweyn ciidamada qalabka sida Police-ka".

"Masuqmaasuq xargaha goostay iyo nin jeclaysi dhan walba ah ayaa sanadihii lasoo dhaafay wehel u noqoday ciidanka Police Soomaaliyeed," ayuu xusay.

Cabdalla ayaa kusoo xiray: "Musuqa wuxuu saamayn xoog leh ku yeeshay tababarka, deeqaha Waxbarashada dibedda, xulistam dallacsiinta Saraakiisha, miisaaniyadda iyo ku lug lahaasha dhinaca dhaqalaha qaranka iyo caburin siyaasadeed. Police-ka badbaadin ayuu rabaa".

Dhawaqan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay baraha bulshada iyo warbaahinta hareeyeen in taliyaha booliska Soomaaliya ku fashilmay isku day ku doonayey in uu ku tababaro ciidan ku hayb ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM