Farmaajo iyo Rooble oo laba luuqadood ku wajahay Kenya

Image
Xukunka maxkamada cadaaladda aduunka ICJ ayaa dibada u soo saarey kala aragti-duwanaanta labada mas'uul.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisa xilgaarsiinta ah Rooble ayaa siyaabo kala duwan u wajahay dalka Kenya kadib xukunka dacwadda ee maxkamadda ICJ.

Farmaajo ayaa hadaljeedintiisa natiijadda "halgalka cadaaladeed" wuxuu ku weeraray xukuumadda Nairobi isaga oo ku eedeeyay faragelin, go'doomin cadaaladis caalami ah iyo diblumaasiyad ka baxsan curfiga.

"Hogaanka Kenya wuxuu maal badan geliyey in siyaasad ahaan nala go’doomiyo. Dowladaha deriska, qaarada Afrika iyo guud ahaan caalamka ayay naga gudbiyeen sawirro been abuur ah. Sawiradaas oo dhaawac iyo sumcad dil ku ahaa dowladnimadeena soo kabaneysa," ayuu xusay.

Hase ahaatee, Rooble ayaa xaflad lagu maamuusay ergada Soomaaliya ee gal-dacwadeedka ayaa hoosta ka xariiqay in "shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin" in ay nabad, deris wanaag kula noolaadaan dhigooda Kenya.

"Saaxiib waa la sameystaa laakiin deris lama sameysto. Dowladda Kenya waxaanu nahay deris. Waa isku qasbanahay in aan kawada shaqeyno nabad iyo deris wanaag kuwada noolaansho. Dhinaceena shacabka Soomaaliyeed in ay diyaar u yihiin ayaan caddeynayaan," ayuu ka dhawaajiyey wasiirka koowaad.

Tani ayaa waxay caddeyn u tahay in labada nin ay wali ku kala aragti duwan yihiin qaabka loola macaamilayo Kenya. Farmaajo wuxuu horey ugu fashilmay in uu is hortagao socdaal uu Rooble ku tagay magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Siyaasiyiin ayaa horey u sheegay in Farmaajo uu xargaha u gooyey kadib markii uu ku hungoobay dalabkiisa ahaa in uu kusoo wareejiso Jubaland si uu u geysto madaxwayne taabacsan oo ku hogaamiya guusha doorashada qaranka.

Afartii sano ee maamulka Farmaajo xafiiska joogay, siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay in ay ku saleysaneyd danaha shaqsiga ah ee madaxweynaha waqtigu ka dhacay taasoo dalka ku waayey xulafo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM