Farmaajo iyo Rooble oo mar kale yeeshay wadahadalo toos ah

Image
Garowe Online ayaa fahansan in is-aragan uu fududeeyay Laftagareen, hogaamiyaha Koonfur Galbeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ilo ku dhow dhow Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in uu xalay uu qabsoomay kulan u dhexeeyay Farmaajo iyo Rooble.

Kulankan ayaa, sida ay xogta muujineyso, wuxuu ka dhashay dadaal uu sameeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Ma cadda in kulanka xalay uu soo afjari doono khilaafka ba’an ee u dhexeeya labada mas'uul ee ugu sareeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wallow muddo xileedkooda uu dhamaadey.

Khilaafkan ayaa waxaa sababay kala qaybsanaanta hogaanka NISA - hay’adda sirdoonka qaranka  - oo laba dhinac ay u kala magacaabeen laba agaasime oo iska soo horjeeda.

Is-aragan aysan wali wax fahfaahin ah ka bixin labadda dhinac isla markaana ahaa mid fool ka fool ah ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo bishii hore xilligaas oo wadahadalo ka fashilmeen.

Is-maandhaafka saameynta ku yeeshay doorashada ayaa xoogeystay kadib xil ka qaadistii loogu sameeyay agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin sababo la xiriira kiiska Ikran Tahlil Faarax.

Ikraan oo kamid ahayd saraakiisha NISA ayaa la waayay, taasoo keentay in Farmaajo uu ka gaashaanto dacwad ka dhan ah hogaankii hore ee NISA iyo in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM