Farmaajo iyo Rooble oo mar kale yeeshay wadahadalo toos ah

Image
Garowe Online ayaa fahansan in is-aragan uu fududeeyay Laftagareen, hogaamiyaha Koonfur Galbeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ilo ku dhow dhow Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in uu xalay uu qabsoomay kulan u dhexeeyay Farmaajo iyo Rooble.

Kulankan ayaa, sida ay xogta muujineyso, wuxuu ka dhashay dadaal uu sameeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Ma cadda in kulanka xalay uu soo afjari doono khilaafka ba’an ee u dhexeeya labada mas'uul ee ugu sareeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wallow muddo xileedkooda uu dhamaadey.

Khilaafkan ayaa waxaa sababay kala qaybsanaanta hogaanka NISA - hay’adda sirdoonka qaranka  - oo laba dhinac ay u kala magacaabeen laba agaasime oo iska soo horjeeda.

Is-aragan aysan wali wax fahfaahin ah ka bixin labadda dhinac isla markaana ahaa mid fool ka fool ah ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo bishii hore xilligaas oo wadahadalo ka fashilmeen.

Is-maandhaafka saameynta ku yeeshay doorashada ayaa xoogeystay kadib xil ka qaadistii loogu sameeyay agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin sababo la xiriira kiiska Ikran Tahlil Faarax.

Ikraan oo kamid ahayd saraakiisha NISA ayaa la waayay, taasoo keentay in Farmaajo uu ka gaashaanto dacwad ka dhan ah hogaankii hore ee NISA iyo in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM