Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo ku kulmay Turkiga [Maxay ka hadleen?]

Image
Image

ISTANBUL, Turkey - Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga kula kulmay, Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweyhii 8aad ee Soomaaliya, islamarkaana isaga uu xilka kala wareegay kadib doorashadii 8-dii Febuary, 2017.

Qoraal lasoo dhigay bogga Twitter-ka Farmaajo, ayaa lagu sheegay in labada mas'uul ay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda dalka, iyagoo iska wareystay horumarka, fursadaha iyo caqabadaha horyaalla wadanka.

"Waxaan la kulmay Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh, Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursadaha iyo caqabadaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna," ayuu lagu yiro warka Twitterka lasoo dhigay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u tagey dalka Turkiga ka qeyb-galka munaasabadiii caleema-saarka iyo dhaarinta Madaxweyne Erdogan, oo maalintii shalay ka dhacday xarunta baarlamaanka dalkaasi ee ku yaalla magaalada Ankara.

Farmaajo ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu gaareey meel wanaagsan sanadihii ugu dambeeyay isagoo arintaasi ugu mahaceliyay Erdogan oo maamulkiisa garab istaag u sameeyay dalka xilli adag oo macluul iyo abaaro jireen 2011.

Turkiga oo xiriir la leh Qadar, oo dalalka Khaliijka Carabta ay ku eedeeyeen inuu taageero kooxaha argagaxisada ayaa saldhig military ballaaran ka sameystay Muqdisho, iyadoo Hay'ado laga leeyahay dalkaasi ay maamulayaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM