Farmaajo oo Addis Ababa kula kulmay Antonio Gutters

Image
Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Kulanka Farmaajo iyo Guterres ayaa dhacay maanta xilli labada mas'uul ay kawada qeybgalayaan Shir Madaxeedka 30aad ee Midowga Africa ee ka furmay magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalka Ethiopia.

Guterres ayaa u xaqiijiyay Madaxweynaha Farmaajo in QM ay Soomaaliya ka taageerayso dhinaca amaanka, isagoo dhanka kale amaaney dedaallada ay wado dowladda iyo horumarada ay sameynayso.

Xoghayaha Guud ee QM ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la gaaro hiigsiga Soomaaliya iyo geedi socodka doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka marka la gaaro sanadka 2020.

Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay kuna amaanay Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya iyo doorka ay ka ciyaarayso soo celinta Nabada.

Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo madax kale oo ka qeybgalaya Shirka Addis Ababa, halkaasi oo uu ka socoda shir madaxeedka hoggaamiyaasha Midowga Afrika oo maanta furmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM