Farmaajo oo balanqaad u sameeyay dhakhaatiirta ka hortaga Covid-19

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan dhiirri gelin ah oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee dalka, baahiyaha jira iyo dadaallada socda ee lagu xakameynayo cudurka COVID-19 waxa uu la qaatay qaar ka mid ah Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee la tacaalaya xakameynta cudurkan.

kulankan oo ku qabsoomay khadka internetka ayaa Dhakhaatiirtu waxa ay kula wadaageen Madaxweynaha warbixin ku saabsan halista cudurkan safmarka ah, saameynta uu ku yeeshay dalkeenna iyo duruufaha ay ku shaqeynayaan halyeeyada caafimaadka ee u taagan samata bixinta dadkeenna..

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Dhakhaatiirta, Kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

“Waxa aad noola mid tihiin halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay cadawga uga difaacaan dalka. Waxaan idiin ka mahad-celinayaa sida halyeeynimada ah, daacadnimadu ku jirto ee habeen iyo maalinba aad ugu soo jeeddaan shacabkiinna iyo sidii aan u xakameyn lahayn halista caafimaad ee cudurkan safmarka ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay masuuliyadda weyn ee shacab iyo dowladba ina saaran, gaar ahaan Bahda Caafimaadka oo ah indhihii dalka wakhtigan adag. Madaxweynaha ayaa xoojiyey walwalka ku aaddan in ay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyada oo la fududaystay talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka.

Madaxweynaha ayaa ugu bishaareeyey Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee sida naf hurnimada leh habeen iyo maalinba ugu sugan Xarumaha Karantiilka Bukaannada cudurka COVID-19 in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku guuleysanayaan dagaalka ay kula jiraan cudurkan, xus iyo Maamuus Qaranna loo sameyn doono halyeeyada Bahda Caafimaadka.

Madaxtooyadda Soomaaliya

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM