Farmaajo oo casuumay maamulada kana jawaabin baaqii Aqalka Sarre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqdey in madaxweyne Farmaajo uu shir-madaxeed ku casuumay madaxda dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka ah.

Marti-qaadka Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli uusan ka jawaabin dalab dhowaan ka yimid Aqalka Sarre oo ku saabsan in ay shiraan madaxda dowlad goboleedyadda iyo dowladda dhexe.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya, shirka waxaa looga hadlayaa; doorashada, amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, qabyo-tirka dastuurka iyo dhaqaalaha.

Hoos ka akhriso qoraalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidinaya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa ku saabsan sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxaa jira shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay .

Jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka waxaa ka shaqeynaya guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxtooyada JFS waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa hannaanka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.


Qaar kamid ah maamulada dalka ayaa horey ugu eedeeyay dowladda Farmaajo in ay fashilsay shir horudhac ah u ahaa wadahadalka kadib markii Koonfur Galbeed ay diidey waqtiga iyo goorta la qabtay.

Villa Soomaaliya oo wadashaqeynta kala dhaxeysa maamulada aysan fiicneyn ayaa lagu eedeeyay burbur ku yimid wadahadaladii horey u qabsoomay "markii ay hogaanka sarre muujiyeen tanaasul la'aan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM