Farmaajo oo daahfuray barnaamij ay bil walba ku baxeyso afar milyan

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay Barnaamijka Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaskeenna danyarta ah, iyada oo wajigiisa 1-aad ay ka faa’iideysanayaan 1.3 Malyan oo ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda dadaalka ay ku bixisay xaqiijinta ballan-qaadkii ku aaddanaa dib u soo nooleynta adeegyada aas-aasiga ah ee dadweynaha iyo kor u qaadista fursadaha shaqo, heerka nololeed iyo dakhliga dalka, isaga oo tilmaamay in daah-furka barnaamijkan uu ku soo aaday xilli cudurka COVID-19 uu saameeyey nolasha iyo ganacsiga dadka Soomaaiyeed.

“Waxaa inoo diyaarsan Qorshaha Horumarinta Qaran ee 9aad oo si faahfaahsan u qeexaya qorshaha aan ku wajahayno saboolnimada, cunta yarida, annagoo xoogga saareyna kor u qaadidda nolasha dadka u nugul xaaladaha deg-deg ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah ee ina soo food saara.”

Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda oo hoggaamineysa Barnaamijka Baxnaano in si daah-furan oo hufnaan iyo cadaalad ah ay ku fuliso Barnaamijkan, iyada oo daryeelaysa qoysaskan danyarta ah ilaa ay ka gaarsiineyso heer isku filnaansho nololeed oo ay iskood u maareyn karaan nolashooda, si wejiyada xiga ee Barnaamijka Baxnaano loogu sii baahiyo Malaayiin kale oo ka mid ah shacabkeenna Soomaaliyeed oo u ooman adeegyada dowladeed.

Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso adeegyada dadweynaha ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba.

Sidoo kale, Barnaamijkan waxaa qeyb ka ah taakuleyn dhaqaale oo lagu xoojinayo nolasha dadka beeralayda ah ee dalaggoodii uu galaaftay Ayaxii ku habsaday qaar ka mid ah deegaannada ay ka soo go’aan dalagyada dalka dhammaadkii sanadkii tagay 2019-kii. Dawladdu waxa ay maalgelin dhaqaale u sameynaysaa beeralayda si kor loogu qaado wax-soosaarka dalka.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM