Farmaajo oo faray xukuumadda in ay xaliso "baahi xooggan" oo taagan

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo oo kaga qeyb galay Internetka kulanka Guddiga Qaran ee Xakameynta COVID-19 ayaa ka xog-wareystay dadaallada ka hortagga cudurkan, caqabadaha iyo baahida caafimaad ee ka jirta.

Guddiga ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xog ururin ay ka diyaariyeen goobaha karantiilka caafimaad, taas oo ay ka muuqatay in ay jirto baahi xooggan oo la xiriirta qalabka caafimaad, gaar ahaan neefsiiyaha bukaannada, waxa uuna Madaxweynuhu faray Xukuumadda in ay si deg-deg ah uga howl gasho keenista qalabkan.

"Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad".

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, arrinkaas oo muujinaya sida ay u garowsan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed halista caafimaad ee ku xeeran oo ay tahay in ay wadajir iyo midnimo u wajahaan.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah in ay labo-laabaan dadaalkooda ku aaddan samatabixinta dalkeenna.

Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre, laamaha caafimaadka dalka iyo Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayuu ku bogaadiyey dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dadaallada bulshada rayidka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay ka gaysanayaan kahortagga cudurka Coronavirus iyaga oo kaalin mug leh ka qaadanaya wacyigelinta iyo garab istaagga bahda caafimaadka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM